ssd-sb-somali@zuerich.ch
Telefoonka +41 44 413 88 88
Helitaanga
Khamiis saadexe saac ila shaan saac
ama 09:00 ila 11:00
Nidaamka dugsiga
Ka qeybgalka dugsiga waa qasab oo bilaash ayuu u yahay carruurtoo dhan laga bilaabo da’da afar jirka. Labo sanno marku, dhamayasto dugsiga barbaarinta, waxayo u gudbiyeen dugsiga hoose. Waxbarashada qasabka ah waa guudahan 11 sanno.
Fasalka 6aad ee dugsiga hoose kadib, ardayda waxay ka qeybgayalaan dugsiga sare oo sadex sanno ah. Waxay ku dhameystirayaan midaan midkood dugsiga sare ama duksiga sare(Gymnasium) muddada dheer. Ogolaanshaha dugsiga sare ee muddada dheer, carruurta waa inay imtixaanka kugudbaan.
Koorsada fasalka 2aad ee dugsiga sare, dadka dhalinyarada ah waxaa loo diyaariyay mustaqbalkooda xirfada ah. Waxay wax ka bartaan xirfadaha kala duwan oo waxay sidaas darteed u diyaarin karaan nafsadooda sii wadida waxbarashada qasabka ah. Arday badan waxay ka raadiyaan tababarada shaqada shirkada oo ay wehliso taageerada macalimiintooda inta lagu jiro sannadahooda dugsiga. Kuwa sameeyo tababarka shaqada ayaa ka qeybgalo dugsiga xirfada labo maalmood isbuucii oo waxay helaan mushaar yar. Dadka kaloo dhalinyarada ah waxay rabaan inay ka qeybgalaan dugsiga sare oo ay u diyaar garoobaan imtixaanka oo ah ogolaanshaha dugsiga sare(Gymnasium) muddada dheer ama dugsiga sare gaarka ah. Tan ayaa waxaa la qaadan karaa kadib fasalka 2aad iyo/ama 3aad ee dugsiga sare.
Markii ay dooranayaan shaqadooda, dadka dhalinyarada ah ayaa sidoo kale uga baahan taageero waalidiintooda. Macluumaadka ku saabsan habka tababarka xirfadaha. waxaa lagu heli karaa luuqado kala duwan. Magaalada Zurich ayaa ku diyaariso dhacdooyinka waalidka luuqado kala duwan ee mowduuca dooqa shaqada.
Bilowga dugsiga
Haddii aad dhabtii horaan ugu nooleyd Zürich oo canugaaga uu galayo afar sanno jir xiliga 31 Luuliyo, uma baahnid inaad wax sameysid. Waan kula soo xiriireynaa xili hore ka hor bilowga dugsiga barbaarinta.
Haddii aad dhawaan u soo guurtay Zürich oo aad diiwaangelisay ciwaankaaga, waxaad naga heleysaa warbixin dheeraad ah ee ku saabsan qoondeynta dugsiga canugaaga. Haddii aad gelisay ciwaankaaga aalada, waxaad heleysaa Guudiga dugsiga. carruurtaada. Qaabkaan sidoo kale iqtiyaarkaaga ayaad ula xiriiri kartaa.
Saacadaha waxbarida
Casharada waxay qaatan shan subax iyo, waxay ku xirantahay heerka dugsiga, oo labo ama afar galab. Sannadka 1aad ee Dugsiga barbaarinta ma jiraan fasalada galabkii. Qadada, carruurta waxay midkood aadaan guriga ama joogaan dugsiga. Waaladiinta waxay bixiyaan tabarucaada la xiriirto dakhligada la xiriira cuntada iyo daryeelka.
Kormeerida ka baxsan saacadaha dugsiga
Dugsiga ka hor iyo kadib, dugsiyada waxay bixiyaan daryeel. Daryeelku waa Lacaag. Waxaad ka heli kartaa dulmarka dalabyada kala duwan iyo qarashaadka halkaan. Waaladiinta waxay codsan karaan kabida iyo bixinta qiimaha la dhimay waxay ku xirantahay daqligooda iyo hantiyada. Wixii diiwaangelinta bilowga ee daryeelka carruurta (sidoo kale loo yaqaan daryeelka dugsiga kadib ee nolol maalmeedka), waa inaad buuxisaa foomka. Warbixinta sharaxan ee daryeelka carruurta waxaa laga heli karaa kaliya luqada Jarmalka.
Dugsiyada maalinta buuxdo
Dugsiyada maalinta buuxdo ardayda laga bilaabo sannadka labaad ee dugsiga barbaarinta waxay joogaan dugsiga maalmaha casharada galabkii. Waxay helaan cunto diiran oo waxaa daryeelo xirfadlayaal. Intaas waxaa dheer waqtiyada qadada, dugsiyada maalinta ayaa sidoo kale bixiyo suurtogalnimada looga diiwaangeliyo canugaaga daryeelka saacadaha dugsiga ka hor ama kadib.
Manhajka
Waxaa ka jiro manhaj qaran Switzerland. Degmada Zurich, manhajka dugsiga hoose ee degmada Zurich ayaa quseeyo. Manhajka wuxuu qeexayaa maadooyinka iyo kartida ee lagu dhiso dugsiga hoose.
Jarmal oo ah Luuqada Labaad (DaZ)
Haddii canugaaga af jarmanka kuu cusub yahay ama uu bahanyahay baarasho taageero dheeraad ah, isaga ama iyada waxay helayaan casharada DaZ. Casharadaan waa bilaash oo waxa laga bixiya dugsiga, caadi ahaan inta lagu jiro saacadaha dugsiga qeyb ahaan fasalkaaga gaarka ah. Waxaad ka heli kartaa warbixin badan oo kala duwan websaydka xafiiska dugsiga hoose ee gobolka.
Fasalada luuqada asalka (HSK)
Canugaaga wuxuu balaarin karaa cilmigiisa ama cilmigeeda ee luuqada koowaad ee casharada HSK. Ka qeybqaadashada waa iqtiyaar laakin waa lagu taliyay. Bixinta waxay ka jirtaa in ka badan 25 luuqadood oo waxaa bixiyo machadyo kala duwan. Waxaad ka diiwaangelin kartaa canugaaga onleenka.
Maadada «Diimaha, Dhaqamada, Anshaxa»
Casharada "Diimaha, Dhaqanka, Anshaxa" waxay ku qaabeysanyihiin qaab ah in dhammaan ardayda ay ka qeybqaadan karaan, iyada oo aan laga eegin asalkooda iyo ka mid ahaanshaha diinta. Xoriyada dastuurka ee aaminaada iyo dareenka. Maadada "Diimaha, Dhaqamada, Anshaxa" waa qasab.
Dugsiga barbaarinta iyo fasalka dugsiga hoose ee 1aad ma jiraan wax buundo ah, laakin wareysiga waalidka ee hormarka cunuga uu yahay ahmiyad ugu weyn. Fasalada xiggo, ardayda waxay helaan shahaadad wargelinta ee Febraayo iyo Luuliyo dhammaadka sannad dugsiyeedka iyo fasalada u dhaxeeyo 1 iyo 6. 1 waa fasalka ugu hooseeyo iyo 6 waa fasalka ugu sareeyo. Fasalka 4 waxaa loo tixgeliyaa mid ku fillan. Warbixinta sharaxan ee qiimeynta oo heerar kala duwan ah waxaa laga heli karaa websaydka xafiiska dugsiga hoose ee degmada.
Ardayda leh kartida gaarka ah ama waxbarashada ku adag iyo xaaladaha dabeecada, waxaa jira adeegyada taageerada kala duwan. Haddii ay muhiim tahay, daaweeyayaasha sida cilmi nafsiyeedka ama daaweynta hadalka ayaa ku taageera ardayda waxbarashadooda dugsiga.
Caafimaadka iyo ka hortaga
Adeegyada caafimaadka dugsiga ee Magaalad Zurich waxay taageertaa hormarka caafimaadka ee dugsiga carruurta iyo adeegyadooda kala duwan ee caafimaadka, maskaxda, ilkaha iyo ka hortagga balwada. Haddii aad wax su'aalo ah qabtid, waxaad la soo xiriiri kartaa adeegyadeena taqasuska.
Cafimaadka ilkaha
Mawduucyada Caafimaadka eedaymaha
Dhibaatooyinka waxbarashada ama dhibaatooyinka qalqalinimada
Dhibaatooyinka kaa maaren laanta
Duksiga shaqaalka bulshada
Shaqaalaha bulshada ee dugsiga waaxa ku suganyihin uu joogaan duksiga, waxana uu ujeedkiisu yahay carruurta iyo dhallinyarad,waalidinta iyo shaqaalaha dugsiga. Waxay taageertaa oo ay kala talisa su'aalaha iyo dhibaatooyinka dugsiga iyo qayska dhexdiisa.
Magaalada Zürich waxay bixisaa isboorti kala duwan ooloogu talagalay qoysaska iyo carrurta, madadaalo, dhaqan iyo fursado la helikaro. Macluumaadka ku saabsan matxafyada, ciyaaraha ama maktabadaha waxaad si toos ah uga heli kartaa hay'ada.