Sprachauswahl

Ma jeclaan laheyd inaad baratid shaqo cusub?

Caasimada Zurich way ku caawin kartaa. Adigana sidoo kale!

Dadka weyn ayaasidoo kale baran karaan shaqo cusub!

  • Ma leedahay mushaar hooseeyo iyo sidaas darteed ay tahay inaad shaqeysid wax badan?
  • Miyay saacadahaaga shaqo dhibaato tahay?
  • Miyaadan ku faraxsaneyn shaqadaada oo ma jeclaan laheyd inaad ogaatid sidawaxyaabaha loo badesho?

Waxaad kaalmo ka heli kartaa xarunta shaqada. Xirfadlayaasha ayaa kuu sharaxayo waxa iqtiyaaradaada yihiin. Laga yaabo malaha tababar hormarsan wuu kuu fiicanyahay. Ama waxaad sameyn kartaa tababar. Caasimada Zurich waxay kugu siin kartaa lacag midaan.

Watch the video.

Waa maxay tababarka hormarsan?

Tababarka hormarsan waa koorso mowduuc gaar ah.

Tan waxay noqon kartaa koorso luuqad ama koorso kumbuyuutar, tusaale ahaan.

Waxaad sameyn kartaa tababar hormarsan haddii aad rabtid inaad wax badan ka ogaatid maado. Ama haddii aadan waxba ka ogeyn maadada wax ku saabsan.

Qaadashada tababarka hormarsan, waxaad wax badan ku sameyn kartaa shaqadaada. Laga yaaboinaad sidoo kale helshid mushaar sareeyo. Ama waxaa laga yaabaa inaad heshid shaqo cusub oo adiga kuu wanaagsan.

Qaadashada tababarka hormarsan, waxaad heli kartaa shaqo wanaagsan oo waxaad kasban kartaa waxbadan.

Waa maxay xarunta xirfada?

Icon Gebäude

Xarunta xirfada waxay ku saabsantahay shaqooyinka, tababarka iyo tababar hormarsan.

Xarunta xirfada waxaa ka shaqeeyo xirfadlayaal kuwaasoo kula talin karo.

Waxaad ka heli kartaa warbixin oo way ku caawin karaan haddii aad lacag ugu baahantahay tababarka. 

Maxaa ka dhaco xarunta xirfada ?

Icon Beratung

Waxaad kala hadashaa xirfadle wax ku saabsan shaqadaada iyo waxa aad baratay.

Xirfadlaha wuxuu rabaa inuu wax badan kaa ogaado. Tusaale ahaan, maxaa kale oo aad sameyn kartaa ama sidee wanaagsan ayaad ugu hadashaa af Jarmal.

Taqasuska wuxuu sameegayaa soojeedino ku saabsanshaqada ama tababarka hormarsan ee kuu wanaagsanaanayo.

Taqasuska wuxuu kaa caawinayaa inaad lacag u heshid tababarka hormarsan. 

Dadka weyn waxay sidoo kale baran karaan shaqocusub! Caasimada Zurich way ku caawin kartaa. Sidoo kale adiga!

Yaa heli karo lacagta tababar hormarsan?

Icon Checkliste

Dhammaan dadka kuwaas oo 

  • ku noolaa caasimada Zurich oo wax ka badan 2 sanno ah iyo
  • haystay shaqo 5 sanno, laakin helo lacag yar.

Noo imaw ama na soo wac. 044 412 78 80

Xiriirka

Laufbahnzentrum
Konradstrasse 58
8005 Zürich

Information on accessiblity:

  • Es sind keine Behindertenparkplätze verfügbar.
  • Es sind keine Behindertentoiletten verfügbar.